Zlatan Ibrahimović Oo Kashifay Sababtii Dhabta Ahayd Ee Uu Ugu Biiray Man United

Xiddiga Weerarka uga ciyaara kooxda LA Galaxy ee Zlatan Ibrahimović ayaa ka hadlay sababtii uu ugu biiray kooxda Man United ka hor intii uuna kaga biirin kooxdiisa haatan.

Zlatan Ibrahimović ayaa kooxda Man United ku soo biiray xagaagii 2016 isaga oo si xor ah ugaga soo biiray kooxda PSG.

Khabiirka oo 29 gool ka dhaliyay England 53 kulan oo uu u saftay Man United tartamada oo dhan ayaa sheegay in uu Premier League ugu biiray si uu naftiisa u muujiyo una aamusiyo dadka neceb.

Zlatan Ibrahimović oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Taxadigayga ugu weyn waxa uu ahaa da,da dadka oo dhana waxa ay filayeen in aan fashilmo laakiin 3 bilood kadib way ka wada laabteen waxana ay dib u liqeen hadaladii ay yidhaahdeed”.

“Meel walba oo aan tago Man United ka hor waxa aan ku guulaysanayay koobab waana soo dhaweeyay in aan sidaas kus ameeyo Man United waanan ku sameeyay waxa aan kula guulaystay 2 koob”.

“Waxa aan mar walba necebahay in aan guuldaro la kulmo waxa aan jecelahay guulaha, markii hore ma hubin in aan ka ciyaari karo England laakiin markii aan go,aanka qaatay waxa jirtay koox kaliya oo aan doonayay in aan u ciyaaro waxana ay ahayd Man United”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here