Zlatan Ibrahimović Oo Cristiano Ronaldo Ku Weeraray Hadal Uu Ka Yidhi Sababtii Uu Uga Tagay Real Madrid Uguna Biiray Juventus

Xiddiga kooxda LA Galaxy ee Zlatan Ibrahimović ayaa weerar ba,an ku qaaday xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kadib ku biiristii kooxda Juventus.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa markii uu ku biiray kooxda Juventus sheegay in sababtii uu uga tagay Real Madrid uguna biiray kooxda Juventus tahay in uu raadinayo tartan cusub oo uu qaato xirfadiisa ciyaareed.

Laakiin Zlatan Ibrahimović ayaa u jawaabay kalmaha Cristiano Ronaldo waxana uu Wargayska Voetbal Nieuws u sheegay” Ronaldo waxa uu ku biiray koox sanad walba ku guulaysata horyaalka Serie A-da”.

“Muxuu Juventus ugu biiri waayay markii ay u dhaadhacday heerka 2-aad si uu u noqdo geesi laga dambeeyo, waxa uu ku hadlay hadalo aan qiimo lahayn, ku biiristiisa Juventus ma ahan tartan”.

Waxa xusid mudan in uu Zlatan Ibrahimović ka mid ahaa kooxda Juventus intii u dhexaysay 2005 ilaa 2006 ka hor inta aan Juventus loo dhaadhicin heerka 2-aad sababo la xiriirka natiijooyinka oo ay iibsatay”.

Zlatan Ibrahimović ayaa wakhtigaas isaga tagay Juventus kuna biiray kooxda Inter Milan halkaas oo uu kula guulaystay laba koob oo Serie A-da ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here