Zinedine Zidane Oo Sharaxay Sababta Uu Ugu Soo Bilaabay Xiddigaha Navas, Isco & Marcelo Kulankii Celta Vigo.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay go,aankii uu ugu bilaabay xiddigaha Isco, Navas iyo Marcelo kulankii ay Real Madrid guusha ka gaadhay kooxda Celta Vigo.

Zinedine Zidane ayaa dib ugu soo celiyay shaxda Real Madrid xiddigaha Isco, Navas iyo Marcelo kuwaas oo aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda intii uu joogay Tababare Solari.

Zidane oo arintaas oo ka hadlaya ciyaarta ayaa yidhi” Waxa aan kalsooni ku qabaa Goolhaye Courtois, waxana uu muujiyay awoodiisa kulamadii hore”.

“Laakiin waxa aan doonayay in uu Navas dareemo muhiimada uu ku leeyahay kooxda, laakiin la iskama indha tiri karo wixii uu kooxda u qabtay, waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican kulanka”.

“Si la mid ah xiddigaha Marcelo iyo Isco, arintu lama xiriirto Courtois iyo Reguilon laakiin u jeedkayga ayaa ah in aan kalsoonida ugu soo celiyo xiddigaha kooxda oo dhan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here