Zinedine Zidane Oo Qirtay In Uuna Eden Hazard Badal U Noqon Karin Cristiano Ronaldo.

0

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa qirtay in uuna Eden Hazard Real Madrid badal ugu noqon karin Xiddiga Cristiano Ronaldo oo kooxda ka tagay suuqii xagaaga kuna biiray kooxda Juventus.

Xiddiga garabka uga ciyaara chelsea ayaa la aamisan yahay in uu qarka u saaran yahay in uu 100 milyan ugu biiro kooxda Rela Madrid marka la gaadho suuqa xagaaga.

Madrid ayaa si aad ah ugu kalsoon in uu Eden Hazard ku biiri doono kacdoonka Zidane ee xilli ciyaareedka dambe.

Los Blancos ayaa la sheegayaa in ay xitaa bilowday in ay xiddiga u raadiso gurigii uu ka dagi lahaa magaalada Madrid iyada oo uga raadinaysa xaafada Pozuelo.

Xiddiga ayaa dabka ku sii shiday wararka la xiriirinaya Real Madrid kadib markii uu qirtay in uu ku faraxsan yahay in uu Zidane ku soo laabtay kooxda Real Madrid.

Zidane ayaa la aaminsanyahay in uu taageero weyn u yahay xiddiga reer Belguim oo uu doonayo in uu kooxdiisa ku xoojiyo bilwoga xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Real Madrid ayaa si aad ah u doonaysa in ay la soo saxiixdaan badalka Cristiano Ronaldo kadib markii ay dhibaatoodeen xilli ciyaareedkan.

Laakiin Zidane ayaa sheegay in uuna Eden Harazar badal u noqon doonin Cristiano Ronaldo maadama uuna marna kooxda ku yeelan doonin saamayntii uu Ronaldo ku lahaa.

Zidane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Dhibaatada ugu weyn ayaa ah in uuna jirin xiddig badal u noqon kara Cristiano Ronaldo”.

“Ronaldo wuu tagay sidaas darteed waa in aanu keeno xiddigo kale laakiin xiddig kasta oo yimaada ma qaban karo shaqadii Ronaldo”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here