Zinedine Zidane Oo Hogaaminaya Tababarkiisii Ugu Horeeyay Kadib Markii Uu Ku Soo Laabtay Kooxda

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo xaadiray garoonka tababarka ee Valdebebas isaga oo hogaamin doona tababarkiisii ugu horeeyay kadib markii uu ku soo laabtay Kooxda.

Zidane ayaa tababarkiisii ugu horeeyay hogaamin doona tababar ay albaabadu u xidhan yihiin ka hor kulanka todobaadka dambe.

Tababaraha reer France ayaa xiddigaha kooxdiisa siiyay hal maalin oo fasax ah salaasadii kadib markii lagu dhawaaqay heshiiskiisa Isniintii.

Los Blancos ayaa haatan dareenkooda siin doonta sidii ay qaabka ugu fiican ku dhamaysan lahayd horyaalka La Liga.

Zidane ayaa la filayaa in uu tababar adag siiyo xiddigaha kooxdiisa ka hor kulanka sabtida ee ay marti galin doonaan kooxda Celta Vigo

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here