Zinedine Zidane Oo Haatanba Go,aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Gareth Bale Ee Real Madrid, Miyuu Baxayaa Mise…

Tababare Zinedine Zidane ayaa isku shaandhayn weyn ku samayn doona shaxdiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan khabiirka ka faalooda ciyaaraha Spain ee Guillem Balague ayaa haatanba sheegaya in uu Zidane go,aan ka gaadhay mustaqbalka Gareth Bale.

Zinedine Zidane ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Real Madrid kadib xilli ciyaareed niyad jab leh oo ay soo bandhigtay kooxdu sanadkan.

Zidane ayaa saddex koob oo champions League ah kula guulaystay Real Madrid iyada oo uu Bale ka mid ahaa xiddigihii guusha ku hogaamiyay champions League ugu dambeeyay.

Laakiin Zidane ayaa doonayay in uu Bale ka fasaxo kooxda inkasta oo uu qaab fiican soo bandhigay finalkii champions league.

“Zidane waxa uu doonayay in uu Gareth Bale ka diro kooxda xagaagii hore laakiin umay suurtagalin arrintaas”ayuu Guillem Balague yidhi.

“Haatan wuu ku soo laabtay kooxda halka arin ee uu sida buuxda awood ugu haysto ayaa ah in uu gaadho go,aanada kooxda”.

“Ma noqon doono qofka kaliya ee go,aanada samayn doona laakiin waxa uu uga qayb qaadan doonaa si weyn”.

“Waxan u malaynayaa in uu isku dayi doono in uu Bale ka diro kooxda, iskuma fiicna labadoodu waxa ay kala haystaan shaqsiyada kala duwan, waxa ay isku yihiin saliid iyo biyo, waxa ay wada joogaan hal meel laakiin islama socdaan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here