Zinedine Zidane Oo Dalbaday Sadio Mane, Haddii Ay Liverpool Dalabka Madrid Qabli Karto Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Isku Dayga Zidane.

Xili ciyaareedkii la soo dhaafay markii ay Real Madrid ku guulaysatay koobka UEFA Champions leauge ee ay Liverpool ka qaaday Zinedine Zidane ayaa isku dayay in uu Sadio Mane ku qanciyo in uu Real Madrid kula soo biiro laakiin maalmo yar kadib Zidane ayaa shaqada Bernabeu iska casilay.

Laakiin markii uu dhawaan Zidane ku soo laabtay kooxdiisii hore ee Real Madrid waxaa mar kaliya soo laabtay wararkii sheegayay in Zidane uu doonayo Sadio Mane  waxaana dhawaan soo baxayay in Real Madrid ay liiska ciyaartoy doonayso ay ku darsatay saxiixa Sadio Mane.

Laakiin saaka oo isniin ah wargayska Marca ee magaalada Madric ka soo baxa ayaa boga hore ee wargayskiisa u hibeeyay sawirka Sadio Mane iyo Zinedine Zidane kaas oo ay ku sheegeen in macalinka reer France uu dalbaday Sadio Mane.

Sawirka bogga hore ee Marca loo adeegsaday ayaa ah sawirkii Zidane uu Sadio Mane kula hadlayay kadib finalkii Champions leauge ee xili ciyaareedkii la soo dhaafay waxaana qoraalka farta waa wayn ee lagu soo dul qoray lagu yidhi: “Zidane waxa uu dalbaday Mane”.

Sadio Mane ayaa ku soo jiray qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo 11 kii kulan ee Premier league ugu danbeeyay ku soo dhaliyay 11 gool wuxuuna qayb ka yahay sababta ugu wayn ee ay Liverpool ugu niyadsan tahay in ay koobka Premier League ku garaaci doonto Man City.

Dhinaca kale Sadio Mane ayaa qayb ka ahaa xulka qarankiisa Senegal ee sabtii guusha 2-0 ka ahayd ka gaadhay xulka Madagascar si ay Senegal ugu soo baxdo koobka qaramada Afrika ee CAF 2019.

Zidane ayaa doonaya in uu kooxdiisa keeno ciyaartoy badan oo muhiim ah si uu dib u dhis ugu sameeyo Los Blancos oo xili ciyaareedkan dariiqa u saaran in ay koob la’aan ku dhamaysato waxaana jira magacyo badan oo uu Sadio Mane ka mid yahay oo uu Bernabeu ka doonayo.

Laakiin arinta ugu wayn ayaa ah haddii ay Liverpool aqbali karto dalabka Zidane iyo kooxdiisa Real Madrid iyada oo waliba la ogyahay sida Klopp uu u jecel yahay in uu Mane kooxdiisa ku haysto laakiin waxaa la sugayaa haddii Zidane iyo Madrid ay Mane ku qancin karaan in uu ka bixi karo Anfield oo uu si cajiib ah ula falgalay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here