Zidane Waa Nin Caqli Badan, Waanu Ogaa Inay Tani Soo Socoto – Tababarihii Hore Ee Real Madrid Oo Amaan Ku Helay Go’aankiii Uu Kaga Dhaqaaqay Los Blancos

Kaddib burburkii iyo guul-darradii fadeexadda ahayd ee Ajax ay xalay u geysatay Real Madrid, waxa markiiba soo baxay su’aalo badan oo uu qayb ka noqday Zinedine Zidane iyo go’aankii uu kaga dhaqaaqay Real Madrid.

Zidane ayaa si lama filaan ah ugu wargeliyey Florentino Perez inuu iska casilay tababarenimada Real Madrid laba maalmood kaddib markii ay ku guuleysteen tartanka Champions League bishii May ee sannadkii hore, waxaana xilligaas lala yaabay go’aankaas oo ku soo beegmay xilli ay kooxdu ku jirtay dabbaal-degga guushii saddexaad ee xidhiidh ah ee ay ku hantiyeen Champions League, hase yeeshee, halyeygii reer Netherlands ee Ruud Gullit Zinedine Zidane ku tilmaamay nin aad u caqli badan oo gartay in fadeexaddan oo kale soo socoto.

Gullit oo la hadlayey telefishanka beIN Sports kaddib ciyaartii xalay ayaa waxa uu tilmaamay in Zidane uu ogaaday in Cristiano Ronaldo uu ka tegayo kooxda, isla markaaana aanu madaxweynuhu haynin qorshe dibu-habayn lagu samaynayo kaddib guulihii naadiga, taas daraadeedna ay u muuqatay in haddii uu sii joogo uu ku ceeboobi doono.

Ruud Gullit oo ka mid ahaa wariyeyaashii telefishanka beIN Sports ee falan-qaynayey ciyaartii xalay, ayaa waxa uu yidhi: “Zidane wuxuu ahaa xariif in ku filan, waxaanu halkaas iskaga baxay xilligii ku habboonaa markii uu arkay in Ronaldo uu waayi doono.”

Gullit waxa kale oo uu tilmaamay in tababare kasta oo Real Madrid yimaadda ay ku adkaan doonto inuu guul u horseedo, waxaanu yidhi: “Arrintu waa sidaa, cid kasta oo timaaddana waxay ku noqon doontaa shaqo adag, sababtoo ah ma joogo Ronaldo, waana 50 gool oo kaa maqan”

Halyeyga reer Holland waxa kale oo uu xusay inuu filayey in Ajax ay karbaashi doonto Real Madrid, waxaanu yidhi: “Aniga layaab igumay ahayn, sababtoo ah, markaad eegto Real Madrid beryahan dambe, ee aad fiiriso ciyaartii hore ee Ajax ay garoonkeeda ku martigelisay, umay qalmaynin inay guul-darraystaan, waxaanan arkayey fursado ay heli karaan gaar ahaan garoonka Madrid.

“Kaddib haddii aad eegto kulankii Barcelona ee Madrid, labadii ciyaaroodba baarkinka ayey ku jirtay Real. Waa inaaad eegto khadka dhexe oo aad ka fikirto naftaada.

“Waxa ugu liita waxay ahayd in kulankani uu ahaa ciyaartii ugu fududayd xili ciyaareedka. Xattaa way kasii liidatay, waayo Real Madrid waligeed ciyaar sidan u fudud garoonkeeda kuma soo bandhigin.”

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here