Zidane Vs Guardiola? La Liga Vs Premier League? Danilo Oo Is Bar-Bar Dhig Ku Sameeyay Labada tababare & Labada Horyaal.

Waxa jira xiddigo aad u yar oo ka soo wada hoos ciyaray tababaryaaasha Pep Guardiola iyo Zinedine Zidane waxana ka mid ah Xiddiga daafaca uga ciyaara ee Danilo.

Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa ku raaxaysanaya noloshiisa England waxana uu sameeyay is bar-bar dhigy labada tababare ah.

“Dabcan way kala duwan yihiin”ayuu Danilo yidhi markii wax laga waydiiyay Zidane iyo Guardiola.

“Waa laba tababare oo waaweyn, suurtagalna ma ahan in la is bar-bad dhigo laakiin waan ku faraxsanahay in aan labadoodba la soo shaqeeyay”.

“Tababare Pep Guardiola waxa uu diirada saaraa qaab ciyaareedka Zidane-na waxa uu gaadhay guulo waaweyn sidaas darteed ay adagatahay in la sheego midka fiican”.

Danilo ayaa sidoo kale is bar-bar dhig ku sameeyay horyaalka Premier League iyo horyaalka La Liga

“Kubada cagta England waa jir ahaan, waxa aan odhan karaa waa qaab taatiko ahaan”ayuu yidhi.

“Waxa aan arintaas uga jeedaa sidaas kooxaha yar-yar ayaa isku dayaya in ay ka badiyaan kooxaha waaweyn laakiin way ka duwan tahay Spain”.

“Waxa aan si Ixtiraam ku jiro u sheegayaa Spain waxa ka dhisan labada koxood ee ugu waaweyn adduunka”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here