Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay Liiska xidigaha Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka maanta ee Athletic Bilbao

0

Tababare Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha kooxda Real Madrid ee kaga qeyb galaya kulanka ay maanta la ciyaarayaan Athletic Bilbao, ee ka tirsan kulamada 33-aad horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Real Madrid ayaa maanta ku soo dhaweyn doonta kooxda Athletic Bilbao garoonka Santiago Bernabéu, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan kulmada 33-aad ee La Liga.

Xidiga reer Germany ee Toni Kroos ayaa dib ugu soo laabtay liiska xidigaha kooxda Real Madrid, kaddib markii uu ka maqnaa ciyaartii Leganes, sababa la xiriira xanuun dartiis.

Hadaba liiskan uu ku dhawaaqay Zinedine Zidane ee ka qeyb galaya kulanka xiisaha badan ay maanta kula ciyaari doonaan kooda Athletic Bilbao horyaalka La Liga ayaa kala ah:

Goolhaayeyaasha: Navas, Luca Zidane, alotaibi.

Daafacyada: Carvajal, Vallejo, Varane, Nacho, Reguilón iyo Marcelo.

Khadka dhexe: Casemiro, Modrić, Toni Kroos, Valverde, Brahim Díaz iyo Asensio.

Weerarka: Lucas Vázquez, Gareth Bale iyo Benzema.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here