Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay Liiska xiddigaha Real Madrid ee ka`ga qeyb galay kulanka Huesca & TODOBO xidig muhiim ah ee aan ku soo bixin

Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha kooxda Real Madrid ee kaga qeyb galaya kulanka ay caawa ku wajahayaan Huesca, ee ka tirsan kulamada 29-aad ee horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Zidane ayaa maamuliya caawa kooxda Real Madrid kula kiisii 50-aad horyaalka La Liga ee garoonka Santiago Bernabeu, wuxuuna raadinayaa inuu gaaro guushiisii 37-aad, kadib markii uu horey u soo guuleystay 36 kulan, 8 barbaro iyo 5 guuldaro ah, 49 kulan uu soo maamulay Los Blancos kulamadii lasoo dhaafay ee La Liga.

Hadaba liiskan uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane ayaa waxaa ka maqan magacyada 7 ciyaaryahan, uu ugu horeeyo goolhaaye Thibaut Courtois, Raphaël Varane, Toni Kroos, Luka Modrić, Marco Asensio, Dani Carvajal iyo Vinícius Júnior.

Hadaba liiskan uu ku dhawaaqay Zinedine Zidane ee ka qeyb galaya kulanka caawa Huesca ee horyaalka La Liga ayaa kala ah:

Goolhaayaasha:  Navas, Luca Zidane.

Difaacyada: Vallejo, Nacho, Ramos, Marcelo, Reguilón. Odriozola.

Khadka Dhexe: Casemiro, Valverde, Isco, Brahim Díaz, Ceballos, Marcos Llorente.

Weerarka: Benzema, Lucas Vázquez, Gareth Bale, Mariano Díaz.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here