Zidane oo kala doortay xidiga uu mudnaanta koowaad siin doono xidigaha Pogba iyo Hazard si uu ula soo saxiixdo

Xidiga khadka dhexe reer France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa noqday ciyaaryahanka koowaad uu sida xoogan u xiisanayo macalinka Real Madrid ee Zinedine Zidane.

Sida laga soo xigtay wargeyska caanka ah “AS” ee dalka Spain Zinedine Zidane ayaa si xoogan ula dhacsan qaab ciyaareedka Pogba, wuxuuna doonayay inuu la saxiixdo mudo dhan saddex sano kahor.

Macalinka reer France ayaa ku sheegay shir jaraa’id uu kaga soo muuqday kahor kulanka caawa ay ku wajahayaan kooxda Huesca, ee ka tirsan kulamada 29-aad ee horyaalka La Liga ee dalka Spain.

“Pogba waa ciyaaryahan wanaagsan, qof walba waa ay jecesahay, lakiin isaga kama tirsana kooxda Real Madrid”.

Wargeyska ayaa tilmaamay in xiligii uu bilaabay Zinedine Zidane inuu xiiseeyo saxiixa Pogba ay ahayd xagaagii 2016, laakiin madaxweynaha Real Madrid                      Florentino Perez ayaa diiday inuu dhameystiro heshiiska xiligaas, waxaana ugu dambeyn ku guuleysatay inay qaadato saxiixiisa  kooxda Manchester United.

Balse sida ay haatan wararku sheegayaan Zidane ayaa doonaya inuu sameeyo suuqa xagaaga ee soo aadan saxiixyada Pogba iyo Hazard, kuwaasoo ah labada xidig ugu cad cad uu sida aadka ah u xiiseenayo saxiixyadooda.

Kadib mudo dhan saddex sano kahor uu iska diiday madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez inuu sameeyo saxiixa Paul Pogba, hadana Zidane ayaa wuxuu fursad weyn u heystaa inuu ku cadaadiyo in la dhameystiro saxiixa laacibka reer France suuqa xagaaga ee soo socda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here