Zidane oo ka hadalay guushii ay ka gaareen kooxda Huesca & sababta uu kulankan ugu soo bilaabay wiilkiisa Luca

Macalinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka jawaabey sababta uu ugu soo bilaabay wiilkiisa Luca Zidane kulankii xalay ay kula ciyaareen Huesca horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah garoonkeeda Santiago Bernabeu kaga gaartay kooxda Huesca 3-2, kulan ka tirsanaa kulamada 29-aad horyaalka La Liga.

Kadib ciyaarta Zidane ayaa wuxuu ka hadlay dhowr arimood ee quseeya ciyaarta wuxuuna yiri:

“Waxaan ku faraxsanahay Luca Zidane, balse wuxuu ahaan doonaa goolhaayaha saddexaad, waxaan doonayay inuu nasiino helo Keylor Navas, halka Thibaut Courtois uu dhawacan yahay”.

“Uma ciyaarsiinin Luca Zidane inuu yahay wiilkeyga, ee waxaan doonayay inaan siiyo fursadiisa ugu horeysay, wuxuu u ciyaaray si wanaagsan, uma qiimeenayo aabe ahaan ee waxaan u qiimeenayaa macalin ahaan, isagu waa da’ayar wuxuuna doonayaa inuu ciyaaro”.

“Waxaan sameyn doonaa isbadal dhanka kooxda ah kulanka soo aadan ee aan la ciyaari doono kooxda Valencia, marka aad aragto ciyaartoy xoogaa nasiino helay, kaidb kulamada caalamiga ah, halka kuwa kale ay halkaan ka shaqeynayeen mudo 15 maalmood ah, waa inaan siinaa fursad ay ku ciyaari karaan”.

“Waxaan awoodnay inaan u ciyaarno si fiican, lakiin waxaan diirada saarnay inaan guuleysano kulankan, waxaan dooneynaa inaan badino kulan kasta, mana qiimeenayo waxyaabaha la xiriira xilli ciyaareedka soo socda”.

“Benzema, waa xilli ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa, marka waxaan arki doonaa waxa dhaca xagaaga, waa ciyaaryahan ka tirsan Real Madrid, mana u maleynayo inay wax iska badeli doonaan dhankiisa”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here