Zidane Oo Durba Ku Duulayo Liverpool , Xiddig Ayuu Ka Calaameystay Waliba Xagaaga.

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda France ayaa xaqiijineysa in tababare Zidane oo maalmo ka hor dib ugu soo laabtay Real uu maamulka kooxdaas hor dhigay in ay dalab rasmi ah xagaaga ka geeyaan xiddiga Liverpool ee Saido Mane .

Laacibkaas ree Senegal ayaa horay loola xariiriyay in uu ka huleelayo Liverpool waliba aadayo Real balse waxa ay aheyd xagaagii hore , welina tababare Zidane kama quusan laacibkaas .

Majaladda France Football ayaa sheegeysa in Zidane uu si weyn uu doonayo in laacibkaas uu xagaaga ku xoojiyo weerarka kooxda .

Mane ayaa ku jira xilli ciyaareed wacan waxa uuna illaa haatan dhaliyay 20 gool ka dib 38 kullan dhamaan tartamada ay Liverpool ku jirto halka uu sameeyay afar kale .

Waxaa xusid mudan in hishiiska Mane ee Liverpool uu jirayo illaa iyo xagaaga 2023-ka lamana hellin qiimaha ay Real damacsan yihiin in ay geeyaan 26 sano jirkaas

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here