YAAB!!Halyeeyga Man United Rio Ferdinand Oo Sheegay Waxa Uu Samayn Doono Hadii Ay Liverpool Ku Guulaysato Premier League Xilli Ciyaareedkan

0

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa shaaca ka qaaday waxa uu samayn doono hadii ay Liverpool ku guulaysato horyaalka premier League.

Liverpool ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League iyada oo 4 dhibcood ku haysa hogaanka iyaga oo u dagaalamaya in ay ku guulasato horyaalkeedii ugu horeeyay 29 sano.

Reds ayaa hogaanka 7 dhibcood ka dhigan doonta hadii ay caawa guul ka gaadho kooxda Leister City kulan ka dhici doona Anfield.

Rio Ferdinand ayaa Premier League kula soo guulaystay man United oo ah kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan Liverpool dhanka taariikhda premier League.

Shaki la,aan Rio ayaa doonaya in ayna Liverpool ku guulaysan horyaalka laakiin Khabiirka oo haatan falanqeeye ka ah Sky Sport ayaa sheegay waxa uu samayn doono hadii ay Liverpool ku guulaysato horyaalka.

Xiddigii hore ee Man United Ferdinand ayaa bogiisa Twitter-ka ku qaabilay taageeraaasha waliba uga jawaabayay su,aalaha ay wadiinayaan.

Taageere ayaa Ferdinand waydiiyay” Halkeed Isku Qarinaysaa Hadii ay Liverpool ku guulaysato Horyaalka premier League?”.

Rio ayaa ugu jawaabay” Haa…. Waxa aan isku qarin doonaa qolkayga koobabka”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here