YAAB!!: Sababta Uuna Lionel Messi Bilowga Ciyaartaba U Bilaaban Oo La Ogaaday

Waxa laga yaabaa in ay qaar idinka mid ah arkeen laakiin ayna qaar kale arin kulan kasta oo uu ciyaarayo xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaan si deg-deg ah u bilaaban ciyaarta daqiiqadaha ugu horeeya waxana jirta sabab ka dambaysa waana arin maskax badan sida uu xaqiijiyay tababare Ernesto Valverde.

Tababaraha 55 jirka ah ee shaqada tababaranimo ee Barcelona ka badalay Luis Enrique sanadkii 2017 ayaa sheegay in uuna xiddigiisa ugu fiican kooxdu isku mashquulin in uu si deg-deg ah u bilowdo ciyaarta marka uu garoonka galo waliba tahay arin ku adag xiddigo badan oo kubada cagta ah.

Valverde oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Marka aad garoonka gasho ma fikiri kartid kaliya waa in aad ciyaarto laakiin Messi waa mid cajiib ah sabab la xidhiidha maskax badnidiisa sidaas darteed daqiiqadaha ugu horeeya ee ciyaarta ma bilowdo ciyaarta”.

“Halkii uu bilowga ciyaartaba ordo ku bilaaban lahaa Messi waxa uu iska daayaa kubada gabi ahaan waxana uu iska dhex socdaa garoonka sababta ayaana ah in uu indha-indhaynayo qaab ciyaareedka kooxda kale, qaabka ay u difaacanayaan iyo waliba meelaga laga gali karo”.

“Lionel Messi waxa uu si fiican uga bogtaa qorshe walba waxana uu soo saaraa meelaha ay kooxda ay la ciyaarayso Barcelona ka jilicsantahay ugu dambayn waxa uu soo galaa ciyaarta si uu uga faa,iidaysto xogtii uu uruuriyay kooxdiisana u caawiyo”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here