YAAB! Sabab La Yaab Leh Oo Uu Marcelo Ku Seegay Kulamadii Ugu Dambeeyay Ee Real Madrid, Man Ahan Kubada Cagta

Mustaqbalka xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa cirka isku shareeray maalmihii ugu dambeeyay kadib markii uu kaydka fadhiyay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay Real Madrid.

Xiddiga khabiirka ah ee reer Brazil ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda isaga oo waliba u sheegay in ay u ogolaadaan in uu boxo hadii ay kooxda Juventus dalab ka soo gudbiso wakhtiga soo socda.

Sababta ka xanaajisay xiddiga reer Brazil ayaa ah in todobaadkan tababaraha kooxdu u sheegay in uu si xoogan u naaxay sidaas darteed uu u baahan yahay in uu iska rido baruurta ama uuna dib ugu ciyaari doonin kooxda Real Madrid.

Marcelo ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyay ku seegay sabab la xidhiidha in uu Naaxay isaga oo booskiisa u waayay xiddiga da,yarka ah ee Sergio Reguilón.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican sanadihii ugu dambeeyay laakiin xilli ciyaareedkan ayuu u muuqdaa mid uu qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay.

Marclo ayaa kooxda Real Madrid kula jira heshiis ilaa 2022 ah waxana uu diyaar u yahay in uu kooxdiisa ku qasbo in uu isaga tago kooxda hadii uuna booskiisii dib u helin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here