YAAB!! Maxay Sameeyeen Taageerayaasha Man United Kadib Guuldaradii Man City Ka Soo Gaadhay Newcastle?

0

Kooxda Man United ayaa sii wadata rikoodhkoodii guuldaro la,aanta ahaa intii uu tababare Ole Gunner Solskjaer la wareegay kooxda inkasta oo la joojiyay rikoodhkoodhii guulaha ahaa.

Laakiin taas ayaan Taageerayaasha Man United ka hor istaagin in ay si waali ah ugu dabaal degaan guuldaradii soo gaadhay kooxda ay jaarka yihiin ee Man City.

United ayaa bar-baro wakhti dambe ah ka gaadhay kooxda Burnley kulan ka dhacay garoonak Old Trafford kana tirsanaa premier League.

Dhanka kale kooxda ay jaarka yihiin United ahna kooxda difaacanaysa horyaalka ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay Newcastle iyaga oo haatan Liverpool siiyay fursad dahabi ah oo ay 7 dhibcood ugu qaban karto horyaalka.

Kadib markii ay maqleen Natiijada taageerayaasha kooxda Man United ayaa si waali ah ugu dabaal degay arintaas iyaga oo iskaba iloobay bar-barihii ay la galeen Burnley.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here