YAAB: Chelsea Oo Dalka Maraykanka U Duuli Doonta Laba Usbuuc Ka Hor Finalka Europa League Si Ay Yuhuuda U Caawiyaan Iyo Roman Abramovich Oo Sabab U Ah.

Kooxda Chelsea ayaa saddex maalmood oo kaliya kadib kulankooda xili ciyaareedkan ugu danbeeya ee horyaalka England waxay u safri doonaan dalka Maraykanka laakiin waxa uu waqtigan noqon doonaa laba todobaad oo kaliya ka hor finalka UEFA Europa League haddii ay Blues tartankan finalkiisa soo gaadhaan.

Laakiin arinta ay Chelsea ugu safrayso USA ayaa ah mid loo gargaarayo Yuhuuda waxaana ka danbeeya mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich kaas oo ah nin asal ku leh dalka Isreal. Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa ah bilyaneer ay iska dhaliyeen waalid Russia iyo Isreal ka soo jeedaa, waxaana la ogyahay in markii dalku galka UK uu ka dhacay in uu soo qaatay dhalashada Isreal.

Laakiin Roman Abramovich iyo Robert Kraft ayaa soo dajiyay fikrada ah in Chelsea ay May 15 oo ah saddex maalmood kadib maalinta Premier league ugu danbaysa ay USA kula ciyaari doonaan kooxda New England Revolution kulankan oo lacagta ka soo baxda taakulayn doono la dagaalanka yuhuud nacaybka.

Laakiin waqtiga la ciyaarayo kulankan saaxiibtinimo ee New England Revolion io Chesea ayaa ku soo beegmaya laba todobaad oo kaliya ka hor marka finalka UEFA Europa League la ciyaari doono kaas oo ku taariikaysan May 29, waxayna Blues gali doonaan safar dheer oo ah min Yurub ilaa USA kadib USA ilaa dalka Azerbaijan oo marti galin doona finalka Europa League, waana arin dhibaato wayn ku noqon doonta Blues haddii ay soo gaadhan finalka tartankan.

Laakiin bilyaneerada Roman Abramovich iyo Robert Kraft ayaa si shaqsi ah waxay u bixin doonaan min £750,000 kun oo gini waxaana lacagtan lagu dari doonaa lacagta guud ee ka soo bixi doonta kulanka Chelsea iyo New England Revolion iyada oo lagu bixin doono ‘Final Whistle on Hate’ oo ah mid lagula dagaalamayo Yuhuud nacaybka.

Eden Hazard iyo ciyaartoy ka tirsan kooxda New England Revolution ayaa ka qayb galay xayasiinta kulanka saaxiibtinimo ee USA ku dhex mari doona kaas oo noqon doona mid lacagtiisa lagu taakulaynayo barnaamijka la dagaalanka Yuhuud nacaybka.

Si kastaba ha ahaatee, Maurizio Sarri iyo kooxdiisa Chelsea ayayna wax u sahlan noqon doonin in ay USA u safraan laba todobaad ka hor finalka UEFA Europa League haddii ay soo gaadhaan finalka tartankan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here