ulka qaranka Switzerland ayaa guul dirqi ah ka gaadhay xulka Cameroon kulan uu xulka ka socda qaarada Africa ahaa midka ka fiican xulka reer Yurub.

Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka Switzerland si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo raadinayay in ay gool wakhti hore ah dhaliyaan.

Dhinaca kale xulka Cameroon ayaa si aad u xun ku bilowday ciayarta laakiin si dagan ula wareegay ciyaarta iyaga oo maamulka ciyaarta kala wareegay Switzerland markii ay la qabsadeen ciyaarta.

Xulka Cameroon ayaa sameeyay fursado cajiib ah waxana uu Switzerland ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay bar-baro 0/0 ah laakiin xulka Cameroon u qalmay in uu gool ama 2 gool ka dhaliyo kulanka.

Ciyaarta ayaa qaybta dambe ku bilaabatay mid uu xulka Cameroon maamulayo ciyaarta isla markaas raadinayo goolal ay hogaanka ugu qabtaan.

Laakiin xulka Cameroon ayaa ku hor dhibaatooday goolka hortiisa maadama ayna wax gool ah u badalin fursadihii ay helayeen.

Daqiiqadii 48-aad ayuu xulka Switzerland si lama filaan ah hogaanka ugu qabtay ciyaarta kadib markii uu xiddiga dhalasho ahaan ka soo jeeda Cameroon ee Breel Embolo hogaanka u dhiibay xulka Switzerland.

Xulka Switzerland Ayaa mar kale ku dhawaaday in uu gool dhaliyo laakiin Goolhaye Andre Onana ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah oo uu xulkiisa ugu sii hayay 1/0.

Xulka Cameroon ayaa dhinacooda sameeyay fursado fiican laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay gool u badlaaan fursadahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here