arry Kane ayaa laga yaabaa inuu seego kulanka England ee koobka adduunka jimcaha ay la ciyaarayaan USA sababo la xiriira dhaawac Kuraanta ah.

Kabtanka England ayaa ka dhaawacmay Kuraanta Lugta Midig qaybtii dambe ee kulankii ay 6/2 uga badiyeen Iran kulankoodii ugu horeeyay ee koobka adduunka.

Ciyaarta kadib waxa la arkay Kane oo dhutinaya markii uu ka sii baxayay garoonak ay ciyaartu ka dhacday.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Kane ayaa haatan mari doona baadhitaan ka hor kulanka 2-aad ee xulka England si loo ogaado xaalada dhaawac ee xiddiga.

Laakiin dhaawac kasta ayaa la macno ah in uu Harry Kane haysto wakhti yar oo uu ugu soo kabsado kulanka uu xulka England Jimcaha la ciyaari doono xulka USA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here