Xulalka Uruguay iyo South Korea ayaa bilaabay ololahooda koobka aduunka 2022 kadib markii ay barbaro gool la’aan ah ku kala baxeen Group H.

Kooxda Diego Alonso ayaa labo jeer birta ku dhuftay kadib markii xiddigaha Diego Godin iyo Federico Valverde madax iyo laad la heleen birta laakiin xulka South America ayaa awoodi waayay inuu helo guul, iyadoo dhibcaha lagu qeybsaday kulanka.

La Celeste ayaa ku xigta kulanka ay la ciyaarayaan Portugal isniinta, halka South Korea ay isku dayi doonto inay diiwaan geliso guushoodii ugu horeysay ee tartanka 2022 marka ay isku maalin la ciyaaraan Ghana.

Xulka South Korea ayaa ahaa sida fiican ku bilowday ciyaarta iyaga oo dhibaato ku abuuray daafacyada xulka Uruguay isla markaas marar badan ku dhawaaday in ay gool dhaliyaan.

Xulka Uruguay ayaa laftooda marar badan sigay in ay hogaanka u qabtaan ciyaarta iyaga oo xiddigaha Suarez iyo Nunez ku dhawaadeen in ay shabaqa soo taabtaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada xul bar-baro ku kala bexeen kuna heshiiyeen in ay qabsadaan dhibcaha ciyaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here