Xulalka Tunisia iyo Denmark ayaa ku kala baxay bar-baro kulan ka tirsanaa Group-ka D ee koobka adduunka.

Kulanka ayaa aaa mid isku dheelitiran iyada oo labada xul kala qaybsadeen labada qayb ee ciyaarta.

Qaybta hore xulka Tunisia ayaa ahaa xulka Fiican iyaga oo ka awood badnaa xulka Denmark isla markaas samaynayay fursado halis ah.

Xulka Tunisia ayaa xitaa dhaliyay gool laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddigii gool dhaliyay.

Dhinaca kale qaybta dambe ayuu xulka Denmark ahaa xulka Fiican iyaga oo ka awood badnaa xulka Tunisia.

Xulka Denmark ayaa marar badan halis galiyay goolka xulka Tunisia iyada oo Goolhayaha reer Tunisia sameeyay badbaadino cajiib ah.

Xulka Denmark ayaa dhinaciisa dhaliyay gool laakiin goolkaas ayaa lagu diiday sabab la xidhiidha Offside xiddig soo dhigay goolka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada xul ku kala bexeen kulan isku dheelitirnaa isla markaas min hal dhibic kala bexeen kulanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here