Qiimaha uu ciyaartoy koox ku leeyahay waxaa ugu muhiimsan tirada dhibcaha uu ugu soo hooyay gool dhalinta uu sameeyay xili ay guuldaro ama barbaro la kulmi lahaayeen, waxaana la shaaciyay liiska tobanka xidig ee xili ciyaareedkan ugu qiimaha badan horyaalada Yurub iyada oo qiimayntan lagu salaynayo ciyaartoyda dhibcaha ugu badan u soo xareeyay kooxaha ay ka tirsan yihiin.
Marka ay ciyaartu dhamaad tahay jamaahiirta kooxaha kubbada cagtu waxay ugu jecel yihiin ciyaartoyga waqtigan u dhaliyay gool ay guul ku gaadhaan waxayna ku xusuustaan geesinimo iyo in uu ka dul qaaday waqti adag oo uu wadnuhu la xanuunayay laakiin iyaga oo guuldaro galiyay oo uu babraro u keeno ayaan mararka qaar guul uga dhicin.
Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayn lagu sameeyay ciyaartoyda xili ciyaareedkan ugu qiimaha badan kubbada cagta horyaalada Yurub iyada oo lagu salaynayo wax qabadkii iyo dhibcihii ugu badnaa ciyaartoydii kooxahooda u soo hooyay waxaana kaalinta kowaad galay xidig layaableh oo ay kooxaha Yurub si wayn u doonayaan.
Waxaa jira toban ciyaartoy oo xili ciyaareedkan ka soocan dhamaan xidigaha tirada badan ee horyaalada Yurub ka soo ciyaarayay kuwaas oo si gaar ah ugu soo lug yeeshay dhibcaha ugu badan ee ay kooxahoodu ku heleen gool dhalintii iyo gool caawintii ay soo sameeyeen.
Haddaba halkan kaga bogo xogta tobanka xidig ee xili ciyaareedkan ugu qiimaha badan horyaalada Yurub ee dhibcaha ugu badan u soo shaqeeyay kooxahooda iyo boqolkiiba inta ay dhibcaha kooxahooda ku soo lug yeesheen.
10. Duvan Zapata – Atalanta
Dhibcaha Uu U Shaqeeyay: 17 dhibcood
Boqolkiiba Inta ay Dhibcaha Kooxdiisa Ka tahay: 38%
9. Wissam Ben Yedder – Sevilla
Dhibcaha Uu U Shaqeeyay: 17 dhibcood
Boqolkiiba Inta ay Dhibcaha Kooxdiisa Ka tahay: 40%
8. Cristiano Ronaldo – Juventus
Cristiano Ronaldo ayaa xiil ciyaareedkan soo awooday in uu Juventus ka caawiyay 18 dhibcood oo dheeraad ah oo ayna heleen la’aantiis waxayna taasi Juventus ka caawisay in ay 15 dhibcood oo nadiif ah ku hayaan hogaaminta horyaalka Serie A.
Cristiano Ronaldo ayaa boqolkiiba 23% dhibcaha Juventus kaga soo qayb qaatay gool dhalintii iyo gool caawintii uu sameeyay oo isku dar ahaan noqonaya 27. Ronaldo ayaa 19 gool soo dhaliyay wuxuuna kooxdiisa juventus ka caawiyay in ay si cadaadis la’aan ah hogaanka u hayso.
Cristiano Ronaldo ayaa noqday xidiga siddeedaad ee xili ciyaareedkan ugu qiimaha badan horyaalada Yurub .Xogta wax qabadkiisa halka hoose ka eeg.
Dhibcaha Uu U Shaqeeyay: 18 dhibcood
Boqolkiiba Inta ay Dhibcaha Kooxdiisa Ka tahay: 23%