XOG: Suarez Oo Loo Diwaan Galiyay Wakhtiga Uuna Wax Gool Ah U Dhalin Kooxdiisa Barcelona Tartanka Champions League

Hadii uu xiddig ku dhibaatooday bar-barihii ay Barcelona la gashay kooxda Lyon waxa uu ahaa weeraryahanka Barcelona ee Luis Suarez kaas oo mar kale baxay gool la,aan kulamada ka baxsan garoonka kooxdiisa ee tartanka champions Leageu.

Gool la,aantii Luis Suarez ayaa la macno ah in uuna xiddiga reer Urugay wax gool ah dhalin 24 saac oo ciyaar ah.

Xiddiga reer Uruguay ayaan ku jirin qaab ciyaareedkiiisa ugu fiican isaga oo aan wax gool ah dhalin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee La Liga.

Laakiin waa Luis Suarez wuuna dhalin doonaa laakiin rikoodhkiisa gool dhalin la,aanta ayaa laga dareemay Barcelona taas oo dhibaato ku ah kooxda.

Barcelona ayaa 25 jeer isku dayday in ay gool ka dhaliso Lyon kulankii xalay laakiin kaliya isku dayadaas kaliya 5 mar taabsiisay goolhayaha.

Suarez ayaa dhankiisa isku dayay oo isku dayay laakiin wali dhalin la, wax gool ah halka uu sidoo kale uuna wax gool ah ka dhalin Kooxaha Inter Milan, Tottenham iyo PSV kulamadii garoomadooda ay ku ciyaarayeen.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ayaan wax gool ah dhalin champions League kulamada ka baxsan garoonka kooxdiisa tan ilaa September 2015 iyada oo kooxdii ugu dambaysay ee uu gool ka dhaliyay ay ahay kooxda Roma kulan ka dhacay Stadio Olimpico.

Halkan Hoose Kaga Bogo Rikoodh Suarez ee kulamada ka baxsan Camp Nou tartamada oo dhan:

La Liga: 56 gool 78 Kulan
Copa del Rey: 2 gool 8 Kulan
Supercopa de EspaƱa: 1 goal 3 Kulan
Champions League: 6 gool 22 Kulan

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here