XOG: Sidee Ayuu Lionel Messi Sabab Ugu Noqon Karaa In Ay Barcelona Ka Hadho Tartanka Copa del Rey-ga

0

Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sabab u noqon kara in ay kooxdiisa Barcelona gaadhi waydo finalka tartanka Copa del Rey sabab la xidhiidha rikoodh xun oo uu ku leeyahay kooxda Real Madrid tartankaas.

Lionel Messi ayaa haatan ah xiddiga ugu goolasha badan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 21 gool 20 kulan uu uu ciyaaray.

31 jirkan ayaa sidoo kale dhaliyay 6 gool oo tartanka champions League ah iyo 2 gool oo tartanka Copa del Rey ah.

Laakiin kabtanka Barcelona ayaa ku fashilmay in uu gool ka dhaliyo Real Madrid kulankii lugta 1-aad ee ka dhacay Camp Nou ee tartanka.

Taas ayaa la macno ah in uu Messi haatan ku fashilmay in uu gool ka dhaliyo dhamaan 7-dii kulan ee Copa del Rey-ga ee uu ka hor tagay Real Madrid.

Messi ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee Copa del Rey ka hor tagay kooxda Barcelona finalkii xilli ciyaareedkii 20110/2011 markaas oo ay Real Madrid 1/0 uga badisay Barcelona.

Tan ilaa kulankaas Messi ayaa ciyaaray 6 kulan oo Copa del Rey-ga ah oo uu ka hor tagay Real Madrid laakiin waxa uu ku fashilmay in uu wax gool ah ka dhaliyo inkasta oo uu 3 caawin dhiibay.

Taas ayaa la macno ah in uuna Messi 597 daqiiqo wax gool ah ka dhalin Real Madrid tartanka Copa del Rey-ga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here