XOG: Sidee Ayay Cristiano Ronaldo & Lionel Messi Isaga Hor Iman Karaan Finalka Champions League.

Isku aadkii champions League ee jimcihii ayaa soo saaray kulamo waaweyn laakiin kala ilaaliyay kooxaha Barcelona Iyo Juventus hadii ay noqoto quarter-final iyo Semi-finalka taas oo la macno ah in ay labada xiddig ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi isaga hor iman karaan finalka champions League.

Labada xiddig ayaa toodbaadkan ka qayb qaatay in ay kooxdoodu u soo baxdo wareega 8 dhamadka iyada oo Juventus ku aaday Ajax halka ay Barcelona ku aaday Man United.

Kooxda Soo Badisa kulanka Juventus iyo Ajax waxa ay ku aadi doontaa kooxda soo badisay Tottenham iyo Man City Semi-finalka tartanka iyada oo Finalka tartanka gaadhi doonta hadii ay dhaafaan Tottenhama ama Man City midkooda soo baxa.

Dhanka kale Kooxda Barcelona ayaa Semi-finalka ka hor iman doonta Liverpool ama Fc Porto hadii ay dhaafaan Man United iyaga oo kadib iska xaadirin doona Finalka hadii ay Dhaafaan United, Liverpool ama Port.

Messi iyo Ronaldo ayaa iska hor yimid 3 jeer oo hore tartanka champions League iyada oo 2 jeer uu Ronaldo u ciyaarayay kooxda Man United.

Sanadkii 2007/2008 Man United iyo Barcelona ayaa isaga hor yimid iyada oo Man United badisay laakiin Messi ayaa guusha ku dambeeyay kadib markii ay Barcelona 2 final ka qaaday Man United kuwaas oo kala ah 2009 iyo 2011.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here