XOG: Sergio Ramos Oo Safan Doona Kulankiisii 600-aad Ee Real Madrid & Faah-Faahinta Rikoodhka Cajiibka Ah Ee Uu Diwaangashaday.

Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ciyaari doona kulankiisii 600-aad ee Real Madrid marka ay Los Blancos ka ciyaarayso kooxda Ajax kulan ka tirsan champions League.

20 Bishii May 1998 markii ay Real Madrid ku guulaystay champions League 7-aad, Ramos ayaa jiray 12 sano waxana ku riyoonayay in uu ka ciyaaro kooxda 1-aad ee Sevilla.

Tan ilaa markii uu saftay kulankiisii ugu horeeyay ee Real Madrid 10 bishii September 2005 kulan ay Real Madrid guuldaro kala kulantay Celta Vigo, Ramos ayaa kooxda kula guulaystay 4 champions league waliba 3 ka mid ah ahaayeen 3-dii sano ee ugu dambaysay.

Kulanka Ajax waxa uu noqon doonaa xiddigii 13-aad ee ugu safashada badan kooxda tartanka champions League isaga oo haatan ciyaaray 118 kulan.

Ramos ayaa guul gaadhay 73 kulan oo champions league ah isaga oo xitaa ka cel-celis fiican Lioenl Messi dhanka guulaha kulamada tartanka isaga oo guul gaadhay 61.8% halka uu Messi yahay 58.9% halka uu Iker Casillas yahay xiddiga guulaha ugu badan ka gaadhay tartanka kaas oo gaadhay 100 guulood.

Inkasta oo uu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu goolasha badan Real Madrid xilli ciyaareedkan waliba dhaliyay 8 rikoodhe xiddiga ayaan wali wax gool ah dhalin champions League xilli ciyaareedkan.

32 jirka ayaa dhawaan dhaafi doona rikoodhka halyeeyada kooxda Real Madrid ee Paco Gento & Fernando Hierro kuwaas oo kooxda u saftay 601 kulan.

Ramos ayaa Real Madrid kula guulaystay 20 koob isaga oo 3 koob oo kaliya ka yar xiddiga koobabka ugu badan kula guulaystay kooxda ee Gento kaas oo ku guulaystay 23 koob.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here