XOG: Sergio Ramos Oo Rikoodh Goolasha Ah U Dhigay Kooxdiisa Real Madrid Kadib Goolkii Espanyol

Sergio Ramso ayaa gool madax ah u dhaliyay Real Madrid daqiiqadii 15-aad kulankii ay Real Madrid guusha 4/2 ah ka gaadhay kooxda Espanyol kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Kabtanka Real Madrid ayaa sidaas kooxdiisa ugu dhaliyay goolkiisii 83-aad ee kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Espanyol.

50 ka mid ah goolasha uu Ramos u dhaliyay kooxdiisa waxa uu ku dhaliyay madax taas oo la macno ah in uu 60% goolasha ku dhaliyay madaxiisa.

Sidoo kale Ramos ayaa dhaliyay goolkiisii 10-aad ee xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan isaga oo la bar-baro ah xiddiga Gareth Bale.

Ramos ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira kulamadii ugu dambeeyay isaga oo dhaliyay goolkiisii 3-aad muddo 2 kulan ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here