XOG: Sergio Ramos Oo Dhaliyay Goolkiisii 100-aad Ee Xirfadiisa Ciyaareed & Faah-Faahinta Rikoodhkaas

0

Daafaca Kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa gaadhay rikoodh cajiib ah oo gool dhalinta ah kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 100-aad ee xirfadiisa ciyaareed kulankii Leganes ee Copa del Rey.

80 gool ayuu u dhaliyay Kooxdiisa Real Madrid halka uu 3 gool u dhaliyay Sevilla 17 kalena u dhaliyay xulka qaranka Spain.

100-ka gool ee Sergio Ramos ayay ku jiraan goolal rikoodhayaal ah oo uu u dhaliyay kooxdiisa Real Madrid ama xulka qarankiisa.

Goolkiisii ugu horeeyay ayaa yimid September 16 2004 isaga oo u dhaliyay kooxda Sevilla.

Ma jiraan xiddigo badan oo daafac ah oo dhaafay ama gaadhay 100 gool waxana uu Kabtanka Real Madrid ku biiray xiddigaha Ronald Koeman (193) &Daniel Alberto Passarella (134).

7 ka mid ah goolashiisa ayaa yimid xilli ciyaareedkan kadib markii uu noqday xiddiga rikoodhayaasha u laaga Real Madrid kadib bixitaankii Cristiano.

Ramos ayaa goolasha ugu badan ka dhaliyay kooxda Malaga isaga oo ka dhaliyay 5 gool waxa sidoo kale ku xigta Barcelona oo uu ka dhaliyay 4 gool.

59 gool oo ka mid ah goolashiisa ayaa ka dhashay horyaalka La Liga 5 Copa Del Rey-ga, 11 champions league hal gool Europa League iyo 7 gool oo uu ka kala dhaliyay Super cup-ka iyo Club World cup-ka halka 17 gool uu ka dhaliyay xulka Spain 5 ka mid ahna yimaadeen kulamada saaxiibtinimooyinka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here