XOG: Sergio Ramos Oo Ciyaari Doona Finalkiisii 25-aad Ee Xirfadiisa Ciyaareed & Faah-Faahinta Rikoodhkaas Cajiibka Ah

Kabtanka Kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa maanta ciyaari doona finalkiisii 25-aad ee xirfadiisa ciyaareed marka ay Los Blancos la ciyaari doonto kooxda Al Ain finalka club World cup-ka.

Ramos ayaa ciyaari doona finalkiisii 21-aad ee kooxda Real Madrid halka uu 4 final u ciyaaray xulka qarankiisa Spain.

Rikoodhkiisa ayaa ah in uu badiyay 18 ka mid ah 24-kii final ee uu soo ciyaaray taas oo la macno ah in uu kaliya ku fashilmay in uu bilada guusha helo 6 final oo kaliya.

Finalkiisii ugu horeeyay ayaa yimid sanadkii 2007 kulanka Supercopa de Espana Isaga oo guuldaro 6/3 ah labada lugood kala kulmay kooxdiisii hore ee Sevilla.

Finalkii 2008 ee uu ka hor tagay Germany ayaa xiddiga u keenay xasuuso farxad leh waxana uu ahaa midii ugu horeeyay ee 3 final oo uu koob kula guulaystay xulka Spain iyo mid uu ku guuldaraystay oo ahaa finalkii Confederations Cup final ee 2013.

Xiddiga ayaa Real Madrid kula guulaystay dhamaan 4-tii final ee champions leageu iyo 3 Club World cup ah, 3 ka mid ah 4 koob oo UEFA Super Cup ah, 3 Ka mid ah 6 final oo Supercopa de Espana.

Kadib 20 final oo uu u ciyaaray kooxdiisa waxa uu haatanba dhaafay Halyeeyada sida Iker Casilla & Paco Gento waxana uu ciyaaray daqiiqadaha ugu badan ee finalka isaga oo ciyaaray 2,473 daqiiqo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here