XOG: Sergio Ramos… Boqorka Kaadhadhka Digniinta Ah Ee El Clasico, Imisa Ayuu Qaatay?

0

Kabtanka Kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa sii xoojistay rikoodh u gaar ah oo uu ku leeyahay Kulanka El Clasico kulankii ay xalay kooxdiisu bar-baraha la gashay Barcelona kana tirsanaa Semi-finalka Copa Del Rey-ga.

Ramos ayaa helay kaadh digniin ah kulankii xalay isaga oo sii adkaystay rikoodhkiisa kaadhadka digniinta ah ee uu ku leeyahay kulanka.

Sergio Ramos ayaa daqiiqadii 10-aad qaatay kaadhka isaga sii wada rikoodhkiisa khaadhadka digniinta ah ee kulanka El Clasico.

Ramos ayaa ah boqorka kaadhadhka digniinta ah ee Kulanka El Clasico isaga oo ah xiddiga ugu badan ee loo taagay 23 kaadh oo digniin ah.

Xiddiga reer Spain ayaa ka horeeya xiddigaha Fernando Hierro (20), Pepe (15), Puyol (13) iyo Alonso (13) kuwaas oo ah xiddigaha loo taagay digniinya ugu badan El Clasico.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here