XOG: Sergio Busquets & Lionel Messi Oo Clasico Ka Dhigay Rikoodh Taariikhi Ah Oo Shaqsi Ah

Xiddigaha kooxda Barcelona ee Sergio Busquets iyo Lionel Messi ayaa gaadhay rikoodh taariikhi ah oo Kulamada El Clasico ah kadib kulankii xalay ay ciyaareen.

Barcelona ayaa guul 3/0 ah ka gaadhay kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Real Madrid kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee Semi-finalka Capa del Rey-ga.

Sida laga soo xigtay wargayska AS Xiddigaha Sergio Busquets iyo Lionel Messi ayaa saftay kulankoodii 35-aad ee kulamada El Clasico.

Labada xiddig ee Sergio Busquets iyo Lionel Messi ayaa dhaafay xiddigaha Iniesta iyo Messi oo wada ciyaaray 34 El Clasico taariikhooda.

Sergio Busquets iyo Lionel Messi ayaa sii dheeraysan kara rikoodhkaas Sabtida hadii ay mar kale ku wada bilowdaan kulanka horyaalka La Liga ee El Clasico.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here