XOG: SADDEX Arrimood Oo XIISE Gaar Ah U Yeelaya Kulanka Tottenham vs Arsenal Ee Maanta

Arsenal ayaa Sabtida tegaysa Wembley oo ay kula soo ciyaari doonto Tottenham Hotspur kulan xiise gaar ah leh oo isha lagu hayn doono.

Gunners ayaa ku naaloonaysa farxaddii ay ka heshay ciyaarteedii ay Bournemouth ku burburisay 5-1 iyo guushii uga dambaysay ee Southampton ay ku karbaasheen 2-0, waxaanay labadan guulood shidaal uga dhiganaysaa kulanka ay martida u tahay Tottenham oo laba guul-darro oo qadhaadh labadii ciyaarood ee ugu dambaysay kala kulantay Burnley iyo Chelsea.

Tottenham oo ku jirta kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League waxay u baahan tahay inay ciyaartan guul ka keento si ay u xorraysato booskeeda, laakiin Arsenal ayaa wax walba u samayn doonta inay saddexda dhibcood ee ciyaartan hesho si ay booska afraad ugu sii jirto, isla markaana ay farqiga dhibcaha Spurs ka horreyso ugu soo koobto hal dhibic.

Tottenham waxay haystaa 60 dhibcood iyo kaalinta saddexaad, halka Arsenal ay kaalinta afraad ku jirto iyadoo leh 56 dhibcood.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysaa saddex arrimood oo ciyaartan xiise gaar ah u yeelaya, kuwaas oo kellifaya in dad badan ay daawadaan:

  1. Xafiiltanka iyo loollanka kulanka North-London Derby

Ciyaaraha ay iskaga hor yimaaddaan Tottenham iyo Arsenal, caadiyan waa mid aan waxba layskula hadhin oo ay ciddiyaha ku dagaallamaan. Si la mid ah colaadda kooxaha kale ee isku-magaalooyinka ka wada dhisan, labadan naadi waxay ku hirdamaan midkooda helaya aqoonsiga iyo sharafta woqooyiga magaalada London ee ay labadooduba ka wada dhisan yihiin.

Sannadihii ugu dambeeyey, Tottenham ayaa aaminsanahayd inay tahay naadiga sharafta xaafadda difaaca, waxaanay ku dhamaysanaysay iyadoo ka dhibco sarraysa Arsenal, sidaas oo kale ayay xili ciyaareedkana filanaysaa inay samaysato, halka Arsenal ay u hirdami doonto inay soo yaraysto dhicaha afarta ah ee Spurs ka horreyso si kulamada soo socda ay uga sare mari karto.

Xafiiltanka adag ee labadan kooxood dhex-mara, waxa uu sababaa kaadhadh badan oo digniin iyo casaan iskugu jira, iyo sidoo kale goolal ugu dambayn hal dhinac uu kulanku ugu dheelliyo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here