XOG: Real Madrid Oo Lumisay 26 Gool Oo Wakhtigii Ronaldo Ah

Real Madrid ayaa kaga hadhay Copa del Rey lugta Kooxda Barceona waxana laga yaabaa in ayna dhibaatadu ahayd kaliya gool dhalin la,aan laakiin sidoo kale ahayd maqnaanshaha Cristiano Rnaldo kaas oo si weyn oo cad looga dareemayo Real Madrid xilli ciyaareedkan xilli Los Blancos ay wayday 26 gool oo Ka yimid Cristiano Ronaldo intii uu joogay kooxda.

Xilli Ciyaareedkan Real Madrid ayaa dhalisay 87 gool iyada oo 73 gool ku dhalisay garoonkeeda Santigao Bernebeu waxana ay dhaliyeen goolashoodii ugu yaraa garoonkooda muddo 9 sano ah.

Kooxda Santiago Solari ayaa cel-celis ahaan dhalisay 2.02 gool kulan kasta iyaga oo dhaliyay in ka yar 16 gool xilli ciyaareedyadii ugu goolasha yaraa ee 2010/11, 2012/13 & 2017/18 markaas oo ay dhaliyeen 103 gool.

Kaliya waxa jirta koox kaliya oo bisha March galaysa iyaga oo dhaliyay in ka badan 100 gool waxana ay dhaliyeen 108 gool 36 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan.

Dhanka kale Barcelona ayaa dhalisay 100 gool kadib 3-dii gool ee ay ka dhaliyeen Real Madrid iyaga oo cel-celis ahaan dhaliyay 2.43 gool kulan kasta.

Kooxda Man City ayaa dhankeeda dhalisay 94 gool 35 kulan oo ay ilaa haatan ciyaareen xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Halkan Hoose Kaga Bogo Goolashii Ay Real Madrid dhalisay laga bilaabo 2009/2010 ilaa xilli ciyaareedkan.

2009/10 Guud Ahaan Gool: 104; Gool Minin: 55

2010/11 Guud Ahaan Gool: 103; Gool Minin: 63

2011/12 Guud Ahaan Gool: 131; Gool Minin: 73

2012/13 Guud Ahaan Gool: 103; Gool Minin: 57

2013/14 Guud Ahaan Gool: 116; Gool Minin: 57

2014/15 Guud Ahaan Gool: 116; Gool Minin: 57

2015/16 Guud Ahaan Gool: 119; Gool Minin: 71

2016/17 Guud Ahaan Gool: 122; Gool Minin: 53

2017/18 Guud Ahaan Gool: 103; Gool Minin: 45

2018/19 Guud Ahaan Gool: 87; Gool Minin: 37

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here