XOG: Real Madrid Oo 1000 Maalmood Awood Ku Haysan Doona Adduunka

0

Wargayska MARCA ayaa soo saaray xog muujinaysa awooda ay kooxda Real Madrid ku haysato adduunka iyo waliba yurub kadib ku guulaysigii ay Real Madrid ku guulaystay tartanka Club World cup-ka.

Santiago Solari ayaa Real Madrid ku hogaamiyay ku guulaysiga Club World cup-ka 54 maalmood kadib markii uu la wareegay kooxda waxana ay u muuqataa in ay natiijooyinka kooxdu soo fiicnaanayaan.

Wargayska ayaa sheegay in ay Real Madrid calaamada Club World cup-ka ku dhajin doonto maaliyadeeda muddo 12 bilood oo kale ah iyada oo ilaa haatan calaamadaas ku taalo maaliyada Los Blancos muddo 737 maalood ah ilaa haatan waxana ay gaadhi doonaa 1000 maalmood ka hor tartanka cusub ee sanadka dambe.

Kooxda Real Madrid ayaa noqtay kooxda ugu guulaysiga badan koobka Club World cup-ka iyada oo ku guulaystay 4 jeer kana badan kooxda Barcelona oo 3 jeer ku guulaystay.

Real Madrid ayaa dhamaan guul gaadhay finaladii tartanka ee intii loo bixiyay magaca cusub halka ay sidoo kale tartamada yurub iyo adduunka ku guulaystay 6-dii sano ee ugu dambaysay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here