XOG RASMI AH: Xiddig Chelsea Ah Oo Maamulka Kooxdiisa U Gudbiyay Warqada Bixitaanka.

0

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Callum Hudson-Odoi maamulka kooxdiisa u gudbiyay warqada bixitaanka si uu ugu riixo in uu isaga tago Stamford Bridge maalama ka dhiman suuqa kala iibsiga Janaury.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in xiddiga 18 jirka ah ee Callum Hudson-Odoi uu maamulka kooxdiisa u gudbiyay warqada bixitaanka una sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda kuna biiro kooxda Bayern Munich.

Bayern Munich ayaa dhankeeda diyaar la ah dalab lacageed oo dhan 40 milyan oo euro si ay u hesho adeega xiddiga da,yarka ah.

Xiddiga reer England oo aan boos joogto ah ka haysan kooxda Chelsea ayaa balan qaad ka helay kooxda Bayern Munich.

Inkasta oo ayna kooxda Chelsea doonayn in ay iska fasaxdo xiddiga hadana xiddiga ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here