XOG RASMI AH: Philippe Coutinho Oo Ka Shalaynaya In Uu Ku Biiray Kooxda Barcelona Kana Tagay Liverpool

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa lagu soo waramayaa in uu ka shalaynayo go,aankii ugu soo biiray kooxda Barcelona ugana tagay Liverpool suuqii Jananury ee bilowgii sanadka.

Xiddiga reer Brazil ayaa gabi ahaan iska dhex waayay shaxda Barcelona iyo waliba in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan isaga oo ku nool wakhti adag.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu xiddigu kaliya 203 daqiiqo u ciyaaray kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan isaga oo aan sidoo kale wax gool ah dhalin ama aan caawiye ka noqdon.

Ilo wareedyo ku dhaw xiddiga ayaa sheegaya in uu xiddigu dadka ku dhaw u sheegay in uu ka shalaynayo in uu ka soo tagay Liverpool oo uu waliba dib u celin lahaa sanad hadii ay suurtagal tahay.

Xiddiga ayaa la filayay in uu ka mid ahaado xiddigaha ugu muhiimsan xilli ciyaareedkan laakiin Coutinho ayaa boos ka la, kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Coutinho oo suuqii Janaury ku soo biiray Barcelona ayaa kooxdiisii hore ee Liverpool ku qasbay in laga iibiyo kooxda reer spain

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here