XOG RASMI AH: Man City, Man United & Liverpool Oo Heegan Buuxa Galay & Isco Oo Sabab U Ah

0

Kooxaha Man United, Man City iyo Liverpool ayaa isku diyaarinaya in ay isku baacsadaan saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Isco.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in kooxaha ugu waaweyn premier League ay xiddiga reer Spain u calamaadsadeen bartilmaameedka 1-aad.

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa diyaar u ah in uu iska fasaxo 26 jirkan dhamadka xilli ciyaareedkan.

Waxana uu xiddigu dhex dhigi doonaa dagaal 3-da kooxood ee kor ku xusan iyo kooxda Juventus kuwaas oo doonaya adeegiisa.

United ayaa doonaysa in ay xiddiga reer Spain ka dhigto badalka Alexis Sanchez oo ay u badan tahay in uu isaga tago kooxda.

Liverpool oo dhankeeda aan wali helin badalka Philippe Coutinho ayaa Isco u doonaysa in ay ka dhigto kubad sameeyohooda cusub.

Dhanka kale Pep Guardiola ayaa xiiso wakhti dheer ah u haya xiddiga reer Spain ee ay isku dalka yihiin tan ilaa markii uu ka tagay Barcelona.

Isco ayaa kaliya hal gool oo horyaalka La Liga ah dhaliyay halka uu kaliya 5 kulan ku bilowday xilli ciyaareedkan inta badana kaydka fadhiya.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here