Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa hogaaminaya weeraryahanada goolasha iyo caawinta ugu badan ka dhiibay horyaalada ugu waaweyn yurub xilli ciyaareedkan.
Lionel Messi ayaa dhaliyay 18 gool oo horyaalka La Liga ah halka uu sidoo kale sameeyay 10 caawin lana mid ah xiddiga kooxda chelsea ee Eden Hazard taas oo la macno ah in uu ku lug leeyahay 25 gool.
Waxa ku xiga xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo dhaliyay 16 gool caawiyena ka noqday 6 kale taas oo la macno ah in uu ku lug lahaa 23 gool.
Xiddiga kooxda PSG ee Kyalin Mbappe ayaa ku jira kaalinta 2-aad isaga oo ku lug leh 22 gool horyaalka France waxana uu la mid yahay weeraryahanka kooxda Lille ee Nicolas Pepe.
Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha Goolasha iyo caawinta ugu badan ka sameeyay shanta horyaal ee ugu waaweyn:
Lionel Mess (Barcelona): 18 gool – 10 Caawin
Mohamed Salah (Liverpool) 16 gool – 7 Caawin
Kylain Mbappe : PSG) 17 gool 5 – Caawin
Nicolas Pepe (Lille) 15 gool – 7 Caawin.
Luis Suarez (Barcelona) 15 gool – 5 Caawin
Eden Hazard (Chelsea ) 10 gool – 10 Caawin
Fabio Quagliarella (Sampdoria) 14 gool – 5 Caawin
Cristiano Ronaldo (Juventus) 14 gool – 5 Caawin
Neymar (PSG) 14 gool – 6 Caawin
Harry Kane (Tottenham) 14 gool – 4 Caawin.