XOG: Maxa Dhacay Markii Ay Liverpool Qaybta Hore Ee Xilli Ciyaareedka Premier League Ka Hesho 50 Dhibcood & Wax Ka Badan?

Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Newcastle United Kulan Ka dhacay Anfield kana tirsanaa todobaadkii 19-aad ee horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen Xiddigaha Lovren, Salah, Shaqiri iyo Fabino ayaa Reds jeebka ugu shubay 3-dii dhibcood ee kulanka iyaga oo wali sii wada rikoodhkooda guuldaro la,aanta ah.

Guushii ay Liverpool gaadhay ayaa la macno ah in ay Reds gaadhay dhibicdii 51-aad ee horyaalka premier league xilli ciyaareedkan kadib 16 kulan oo ay badisay iyo 3 bar-baro oo ay gashay.

Kooxda Tababare Jurgen Klopp ee Liverpool ayaa markii ugu horaysayn muddo 30 sano ah heshay 50 dhibcood iyo wax ka badan qaybta hore ee horyaalka premier league.

Markii ugu dambaysay ee ay Kooxda Liverpool heshay 50 dhibcood iyo wax ka badan qaybta hore ee horyaalka premier League ayaa ahayd xilli ciyaareedkii 1987/1988.

Xilli ciyaareedkaas ayay kooxda Liverpool ku guulaystay horyaalka premier League taas oo la macno ah in ay taariikhdu sheegayso in ay Liverpool ku guulaysan karto horyaalka xilli ciyaareedkan.

Laakiin kubada cagta ayay wax walba ka dhacaan markaas waxa aynu sugno ayaa ah in ay Liverpool mark kale taariikhda ku celiso kadib 30 sano markii ay dhigtay rikoodhkaas.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here