XOG: Man United Oo Barcelona Ka Reebi Karta Tartanka Champions League & Hal Arin Oo Ka Caawinaysa

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonata Man United kulan ka dhici doona Old Trafford kulan ka tirsan lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka championa League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay ka faa,iidaysato rikoodh xun oo ay Barcelona ku leedahay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League kaas oo ka caawin kara in ay Reebaan Barcelona.

Tan ilaa markii ay ku guulaysateen champions league xilli ciyaareedkii 2014/2015 kooxda Barcelona ayaa ku dhibaatootay in ay ka gudbto 8 dhamaadka tartanka champions League.

Barcelona ayaa 3 xilli ciyaareed oo xiriir ah ku fashilantay in ay dhaafto wareega 8 dhamaadka tartanka champions League iyaga oo rikoodh xun ku leh wareegaas sanadihii ugu dambeeyay.

Kooxaha Atletico Madrid, Juventus & Roma ayaa ah kooxaha Barcelona tartanka champions League kaga reebay 8 dhamaadka saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay Tartanka.

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay ka faa,iidaysato rikoodhka xun ee Barcelona ee wareega 8 dhamaadka tartankana ka reebto xilli ciyaareedkii 4-aad oo xiriir ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here