XOG: Liverpool, Leeds & Xog Cajiib Ah Oo Ka Dhexaysa Shanta Horyaal Ee Heerarka Kala Duwan Ee England.

Shanta heer ee Horyaalada ugu waaweyn dalka England ayay kulmisay xog la yaab leh xilli lagu jiro bartamihii xilli ciyaareedkan.

Xogtaas ayaa ah in shanta horyaal ee heerarka kala duwan ee England ay hogaanka u hayso koox magaceedu ka bilowdo xarafka “L”.

Kooxda Luton Town ayaa hogaanka u qabatay horyaalka League One iyada oo ka badisay kooxda Southend kana faa,iidaysatay kooxda Portsmouth oo ciyaaraysay tartanka FA Cup-ka.

Taas ayaa la macno ah in dhamaan 5-ta heer ee dalka England ee kubada cagta ay hogaaminayaan kooxo ay Magacoodu ka bilowdaan xarafka “L”.

Liverpool ayaa hogaanka u haysa horyaalka premier League iyada oo isha ku haysa in ay ku guulaysato horyaalka markii ugu horaysay tan ilaa 1990.

Horyaalka heerka 2-aad ee Championship-ka waxa hogaanka u haysa kooxda Leeds kadib markii ay 2/1 uga badiyeen kooxda Rotherham.

Lincoln City ayaa hogaaminaysa horyaalka League Two kadib markii ay bar-baro3/3 ah la galeen kooxda chasing Bury.

Horyaalka National League ayay iyagana hogaanka u haysaa kooxda Leyton Orient iyaga oo sii dheeraystay hogaanka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here