XOG: Lionel Messi Oo Wali Sii Wada Rikoodhkiisa Xun Ee Gool La,aanta Kulamada 8 Dhamaadka Champions Legaue

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku fashilmay in uu gool ka dhaliyo kooxda Man United kulankii xalay ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League.

Kooxda Barcelona ayaa heshay goolka wakhti hore kadib markii uu daafaca kooxda Man United ee Luke Shaw si khaldan gool isaga dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 12-aad ee bilowgii ciyaarta.

Lionel Messi ayaa ku lug lahaa goolka ay Barcelona dhalisay isaga oo karoos madaxa u saaray Luis Suarez kaas oo goolka ku toogtay kadib inta uuna Luke Shaw si khaldan isaga dhalin goolka.

Laakiin Lionel Messi ayaan wax gool ah dhalin kulanka isaga oo sii dheeraystay rikoodhkiisa xun ee kulamada 8 dhamaadka tartanka champions League isaga oo aan wax gool ah dhalin 12 kulan oo xiriir ah oo uu ciyaaray wareegaas.

Markii ugu dambaysay ee uu Lionel Messi wareegan gool ka dhaliyo champions League ayaa ahayd kulankii ay kooxda Barcelona guusha weyn ka gaadhay kooxda PSG tartanka champions League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here