XOG: Lionel Messi Oo Kaliya Oo Jordi Alba Kaga Fiican Caawinta Goolasha Xilli Ciyaareedkan, Imisa Ayuu Caawiyay?

Jordi Alba ayaa mar kale caawiye ka noqday gool kulankii ay kooxdiisa Barcelona guusha ka gaadhay kooxda Girona kana tirsanaa horyaalka La Liga.

Alba ayaa caawiye ka noqday goolkii uu Lionel Messi dhaliyay daqiiqadii 68-aad kaas oo kooxdiisa ka caawiyay in ay gabi ahaan ciyaarta disho.

Kadib caawintaas daafac Jordi Alba ayaa rikoodh cajiib ah kala baxay garoonka ciyaarta xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Daafaca Barcelona ee Jordi Alba ayaa noqday xiddiga 2-aad ee Spain ka ciyaara ee caawinta ugu badan dhiibay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Jordi Alba ayaa caawiye ka noqday 10 gool oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan kadib goolkii uu ka caawiyay lionel Messi.

Taas ayaa la macno ah in uu kaliya Lionel Messi ka horeeya dhanka caawinta Goolasha xilli ciyaareedkan iyada oo uu Messi caawiye ka noqday 13 gool halka uu Alba caawiyay 10 gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here