XOG: Lionel Messi Oo Jabiyay Rikoodh La Liga Ah Oo U Yaalay Halyeeyga Real Madrd Ee Raul

Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa wali sii wada jabinta rikoodhada isaga oo rikoodh kale jabiyay kulankii xalay ay kooxda Barcelona guusha ka gaadhay kooxda Girona kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Girona Lionel Messi ayaa haatan dhaafay halyeeyga Real Madrid ee Raul guulaha uu ka gaadhay horyaalka La Liga.

Xiddiga reer Argentine ayaa gaadhay guushiisii 328-aad ee hoyaalka La Liga kadib 437 kulan oo uu ciyaaray halka uu Raul oo uu dhaafay uu gaadhay 327 guulood 550 kulan oo uu ciyaaaray.

Haatan waxa ka horeeya Goolhayihii hore ee Real Madrid Iker Casillas kaas oo gaadhay 334 guulood 510 kulan oo La Liga ah.

Waxa kaalinta 2-aad ka horeeya xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Andoni Zubizarreta Kaas oo gaadhay 333 guulood 633 kulan oo La Liga ah.

Sida iska cad marka loo eego sida ay u socdaan xaalku xiddiga Barcelona ee No.10 ayuu kaliya wakhti ka xigaa in uu gaadho halka ugu saraysa ee guulaha ugu badan horyaalka La Liga.

Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha Ugu Guulaha Badan Taariikhda La Liga:

  1. Casillas, 334 in 510 matches
  2. Zubizarreta, 333 in 622 matches
  3. Messi, 328 in 437 matches
  4. Raul, 327 in 550 matches
  5. Xavi, 322 in 505 matches
Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here