XOG: Lionel Messi Oo Isha Ku Haya In Uu Jabiyo Isla Rikoodh Uu Isagu Dhigay Xilli Ciyaareedkii Hore.

0

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa isha ku haya in uu jabiyo rikoodh uu isla isagu dhigay xilli ciyaareedkii hore kulanka ay caawa la ciyaari doonto kooxda Levante kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxda Levante kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkii 35-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoonka Camp Nou.

Waxa ay u badantahay in uu Lionel Messi ku guulaysan doono horyaalka La Liga markii 10-aad ee xirfadiisa ciyaareed tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Barcelona.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhaliyay 45 gool oo tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waana goolashii uu dhaliyay xilli ciyaareedkii hore oo dhan tartamada oo dhan xilli uu 7 kulan uga hadhsan yahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Hadii uu Lionel Messi dhaliyo hal gool kulanka caawa ee horyaalka La Liga ee kulanka Levante waxa uu dhaafi doonaa goolashii xilli ciyaareedkii hore oo dhan dhaliyay.

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa dhaliyay 33 gool oo horyaalka La Liga ah halka uu 34 gool dhaliyay horyaalka xilli ciyaareedkii hore

Lionel Messi ayaa isha ku haya in uu dhaliyo 50 gool oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan waxa kaliya oo uu u baahan yahay 5 gool oo kaliya hadii uu doonayo in uu dhaliyo 50 gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here