XOG: Lionel Messi Oo Dhigay Rikoodh Cajiib Ah Oo Barcelona Ah Kadib Goolkii Valladolid

Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa guul dirqi ah ku hogaamiyay kooxdiisa Barcelona kulan ka dhacay Real Valladolid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Gool rikoodhe ah oo uu dhaliyay Messi ayaa Barcelona ka caawiyay in ay Real Valladolid uga badiso 1/0 kulan ka dhacay garoonka Camp Nou.

Kadib goolkaas Lionel Messi ayaa dhigay rikoodh cajiib ah oo kooxdiisa Barcelona ah kaas oo uu sameeyay xilli ciyaareedkii 11-aad oo xiriir ah.

Lionel Messi ayaa dhaliyay 30 gool iyo wax ka badan kooxdiisa Barcelona xilli ciyaareedkii 11-aad oo xiriir ah tartamada oo dhan.

Leo Messi ayaa rikoodhkaas soo bilaabay xilli ciyaareedkii 2008/2009 markaas oo uu dhaliyay 38 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Wixii ka dambeeyay Leo ayaa dhaliyay 10 xilli ciyaareed oo xiriir ah 30 gool iyo wax ka badan oo tartamada oo dhan ah.

2008/09: 38 ⚽
2009/10: 47 ⚽
2010/11: 53 ⚽
2011/12: 73 ⚽
2012/13: 60 ⚽
2013/14: 41 ⚽
2014/15: 58 ⚽
2015/16: 41 ⚽
2016/17: 54 ⚽
2017/18: 45 ⚽
2018/19: 30 ⚽

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here