XOG: Lionel Messi Oo Ay Hor Taago Muhiimad Aan Suurtagal Ahayn Si Uu U jabiyo Rikoodh U Yaala Cristiano Ronaldo

0

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa isku diyaarinaya in uu ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay ee sanadka 2019 marka ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Getafe kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Messi ayaa rikoodh gool dhalin oo cajiib ah ku leh kooxda Getafe isaga oo ciyaaray 22 kulan oo horyaalka iyo Copa Del Rey-ga ah kana dhaliyay 18 gool caawiyena ka noqday 12 gool oo kale taas oo la macno ain uu ku lug lahaa 30 gool.

Inkasta oo uu rikoodh baqdin leh ku leeyahay kooxda Getafe hadana waxa kaga goolal badan xiddigii hore ee Cristiano Ronaldo.

Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan horyaalka La Liga ee goolasha Getafe isaga oo ka dhaliyay 23 gool 14 kulan oo uu ka hor tagay halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 5 gool oo kale.

Lionel Messi ayaa u baahan 5 gool kulanka Getafe si uu ula bar-bareeyo Cristiano Ronaldo halka uu 6 gool oo kale u baahan yahay si uu u dhaafa rikoodhka Cristaino.

Xitaa hadii uu Messi dhaafo Wali waxa ka rikoodh fiicnaan doona Cristiano sabab la xidhiidha in uu Ronaldo goolashaas kaga dhaliyay Getafe kulamo ka yar Lionel Messi.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here