XOG: Lionel Messi Oo Ah Xiddiga 9-aad Ee Ugu Muhiimsan Barcelona Sanadka 2019, Qaab Noocee Ah.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa kaalinta 9-aad kaga jira xiddigaha daqiiqadaha ugu badan u ciyaara kooxda Barcelona sanadka 2019.

Kooxda Barcelona ayaa sanadka 2019 ciyaartay 5 kulan oo horyaalka La Liga ah iyo 5 kulan oo Copa Del Rey-ga ah waxana ay gaadheen 6 guulood 2 bar-baro iyo 2 guuldaro.

Kulamadaas xiddiga ugu muhiimasan ee kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ciyaaray 8 ka mid ah isaga oo 6 kulan dhamaystay 90-ka daqiiqo.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaacisay Liiska xiddigaha daqiiqadaha ugu badan ciyaaray kulamada kooxda Barcelona sanadka 2019.

Xiddiga daafaca uga ciyaara ee Gerard Pique ayaa hogaaminaya isaga oo ciyaaray 720 daqiiqo ahna xiddiga ugu badan ee daqiiqadaha ciyaaray.

Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha Daqiiqadaha ugu badan ciyaaray Barcelona sanadka 2019;

Dy9YEZ0X4AEIuSP

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here